Qarax Gil-Gilay Muqdisho, Cidii Loola Dan Lahaa & Khasaare Ka Dhashay

Ugu yaraan 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax goordhawayd ka dhacay qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararku.

Qaraxan oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso meelaha fogna laga hago ayaa ka dhacay inta u dhexaysa isgoyaska Tarabuunka iyo iyo Cusbitaalka Digfeer ee degamada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in uuna wax khasaare ah soo gaadhin ciidamo saarnaa gaadhiga qaraxa lala beegsaday laakiin ay ku dhinteen laba qof oo shacab ahaa.

Ilaa haatan ma jirto wax warbixin ah oo ka soo baxay Laamaha Amaanka ee Somalia oo ku aadan qaraxa halka ayna sidoo kale jirin cid sheegatay masuuliyada qaraxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*