Somalia Oo Kenya Ka Soo Daad-Guraysay Muwaaadiniin U Dhashay Dalka & Sababta Oo La Ogaaday.

Diyaarad ka timid magaalada Nairobi‎ ee caasimada dalka Kenya ayaa ka soo dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan iyada oo diyaaradaas saarnaayeen muwaadiniin Somaliyeed.

Diyaarada ayaa dad somaliyeed ka soo qaaday magaalada Nairobi‎ ee caasimada Dalka Kenya sida ay sheegayaan wararku.

Tirada dadka Somaliyeed ee laga soo guray Nairobi‎ ayaa la sheegayaa in ay yihiin 114 qof kuwaas oo dib loogu soo celiyay Xamar.

Safaarada dalka Somalia ee ku taala Kenya ayaa fududaysay imaanshiyaha dadka somaliyeed ee gudaha magaalada Muqdisho sabab la xidhiidha in la xidhayo dhamaan xuduudaha iyo diyaarada ka baxa dalka Kenya wakhtiga soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*