U Gaar Ah Ragga: Talooyin Uu Nin Walba Uga Farxin Karo Xaaskiisa Maalmaha Ciida

Maxaa Ka Fiican marka uu Ninku go’aansado in uu xaaskiisa u sameeyo wax farxad galiya wajiga xaaskiisa maalmaha ciida, waxyaabo si weyn u farxad galinaya xaaska maalmaha lagu jiro ciida barakaysan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5 Arin oo uu Nin walba tahay in uu u sameeyo xaaskiisa si uu uga farxiyo maalmaha ciida.

1.Lama Filaan Fiican:

Waxa Nin walba hor yaala dhawr wado oo uu xaaskiisa ugu samayn karo lama filaan fiican oo ka farxiya xaaskiisa maalmaha ciida tusaale ahaan in uu u soo iibiyo Hadiyad qaali ah oo uu ugu mahad celinayo dadaalkii bishii Ramadaan iyada oo hadiyadu ku xidhantahay waxa ay xaaskaagu jeceshahay mar walba.

2.Hadal fiican:

Hadalka fiican ee uu Ninku kula hadlo xaaskiisa maalmaha ciida waxa ay gabadha ku abuuraysaa farxad weyn sidaas darteed waa in uu Ninku isku dayo in uu adeegsado kalmado fiican sida in uu Amaano gacalisadiisa iyo hadalo kale oo fiicna.

3.Xaqal-ciid:

Macnaha Xaqal-ciid waxa ay leedahay qiimo aad u weyn kaliya lama eego macneheeda sidaas darteed marka uu Ninku xaaskiisa siiyo xalaq-ciid waliba u siiyo qaab qurux badan waxa ay kor u qaadaysaa waliba dhiiri galinaysaa dadaalka gabadhu u gasho gacaliyeheeda.

4.Xidhiidh Fiican:

Waxa muhiim ah in uu Ninku u dhawaado xaaskiisa waliba dareensiiyo farxad maalmaha ciida iyo waliba in uu si fiican ula xidhiidho waliba la soo xasuusto wakhtiyadii fiicnaa ee ay soo wada qaateen.

5.In Uu U Soo Iibiyo Mac-Macaan:

Marka uu Ninku xaaskiisa u soo iibiyo mac-macaan waliba fursad u siiyo in ay nafteeda daryeesho waxa ay dareemaysaa farxad marka ay aragto in uu Gacaliyeheedu fursad u siiyo in ay muhiimad siiso nafteeda si ay isugu diyaariso ciida sidoo kale wada aadaan safar yar oo ay wakhti ku soo qaataan kaligood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*