Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya Oo Dib U Bilaaban Doona

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa khamiista ku dhawaaqay in wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia dib u bilaabmi doonaan.

Ames Swan wuxuu sheegay in UN ay dhiirigelineyso wadahadalada oo gaadhi doona heer sare oo cusub.

Wuxuu intaas raaciyay in labada dhinacba ay muujiyeen rabitaankooda ku aadan joogtaynta wada xiriirka isla markaana ay sii wadayaan wadahadalo dheeraad ah.

Si kasta ha ahaatee Diblumaasi sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ma uusan bixin tafaasiil dheeri ah mana uusan cadeyn qaabka wadahadalka loo qabanayo iyo mas’uuliyiinta ku lugta leh.

Hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay soo yareeyeen farqigii ka dhexeeyay kadib markii ay Farmaajo iyo Muuse Biixi ku kulmeen Addis Ababa iyada oo uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Itoobya ee Abiy Axmed.

Labada hoggaamiye ayaa kulankoodii ugu horreeyay fool ka fool ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa bishii February ee saandkan haatan lagu jiro.

Wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa burburay ka dib markii hoggaamiyeyaasha haatan kala hogaaminaya labada dal xilka la wareegeen saandkii 2017.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*