Wadamada Adduunka Oo Maanta Ciidaya & Sababtii Ay Somalia Uga Hor Ciiday Adduunka.

Sida aynu la wada socono waxa shalay si Rasmi ah looga ciiday dalka Somalia & dhawr wadan oo Ku yaala qaarada Africa halka aan wadamo badan oo uu hogaaminayo dalka Sucuudiga maanta si Rasmi ah looga ciidayo.

Wadamada Somalia, Mali, Senegal Iyo Wadamo kale oo Africa ayaa Habeen Hore si Rasmi ah u xaqiijiyay in la arkay Bisha Shawaal taas oo la macno ahyd in ay dhamaatay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Laakiin wadamo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Qatar, Turkey, Malaysia Iyo Indonesia ayaa dhamaantood sheegay Habeenkii Sabtidii in ayna ciid ahayn oo maanta oo Axad ah ciid ahayd.

Culimada dalalka Muslimiinta ayaa xitaa qalab gaar ah ku eegay Dhalasha bisha Shawaal laakiin si Rasmi ah u waayay sidaasna ku sheegay in ayna ciid ahayn maalinta Sabtida.

Laakiin Wadamo ay Somalia ka mid tahay ayaa Bisha Laga arkay wakhti dambe oo habeenkii Sabtida ahayd inkasta oo culmiada ku takhasasay cilmiga xiddigaha sheegeen in ayna ahayn bilashada bisha Shawaal wixii la arkay.

Culimada Muslimiinta ee dhanka cilmiga xiddigaha ayaa sheegay in ay in xiddig loo yaqaano “Cadaar” uu ka hoos maray Xiddig kale oo loo yaqaano “Zuhur” taas oo u muuqatay sida Bisha Oo Kale.

Sidaas darteed Culimida ku Takhasusay Cilmiga dhanka Xiddigaha ayaa sheegay in ay wadamadii ciiday Sabtidi ku khaldameen arintaas Bisha Ramadaan-na ku dhamaatay 30 maalin Maanta oo Axad ahna si Rasmi ah loo ciiday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*