Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Adduunka & Somalia Ee Xanuunka Covid-19

Xanuunka Covid-19 ayaa bara baas ku haya adduunka oo dhan isaga oo saameeyay dhaqaalaha adduunka sidoo kale dilay aad u badan oo isugu jira waxa adduunka ku nool oo dhan.

Xanuunka Covid-19 ayaa haatan laga helay wadan walba oo adduunka ah isaga oo dhulka dhigay dhaqaalaha Wadamada ugu awooda weyn kana dilay dadka ugu badan.

Dalka America ayaa ah wadanka ugu kiisaska iyo dhimashada badan xanuunka Covid-19 tan ilaa markii uu dilaacay xanuunk dhamaadkii sanadkii hore ee 2019.

Guud ahaan Adduunka oo dhan ayaa haatan laga diwaan galiyay 4,198,418 kiis oo xanuunka Covid-19 ah isaga oo ay u dhinteen dad gaadhaya 284,102.

Waxa ilaa haatan ka soo kabsaday dad dhan 1,500,685 kuwaas oo markii hore laga helay xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus ama Covid-19.

Wadanka America ayaa ah wadanka ugu badan kiisaska waxana laga helay 1,367,963 isaga oo ah wadanka ugu dhimashada badan una dhinteen 80,787.

Dhanka kale Xanuunka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay fara baas ku haya Somalia iyo Somaliland iyada oo ilaa haatan laga diwaan galiyay 1,054 kiis isaga oo dilay dad dhan 51 qof halka ay guud ahaan Somaliland iyo Somalia ka soo kabsadeen 118 qof.

Halkan Kaga Bogo Wadamada Kiisaska & Dhimashada Ugu Badan Laga Diwaan Galiyay Covid-19:

America: 1,367,963 Kiis 80,787 dhimasho

UK: 219,183 Kiis 31,855   Dhimasho

Italy: 219,070 Kiis 30,560 Dhimasho

Spain: 264,663 Kiis 26,621 Dhimasho

France: 176,970 Kiis 26,380 Dhimasho

Brazil: 162,699 Kiis 11,123

Russia: 221,344 Kiis 2,009 Dhimasho

Germany: 171,879 Kiis 7,569 Dhimasho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*