Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xanuunka Korona Ee Somaliland & Somalia.

Xanuunka Korona ayaad moodaa in uu ka soo yaraanayo dalalka Somaliland iyo Somalia iyada oo aan wax kiisas ah oo cusub ama wax dhimasho ah laga diwaangalin maalmihii ugu dambeeyay.

Xanuunka ayaa Labada dal ee jaarka ah fara baas ku hayay todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii laga helay dhimasho iyo waliba kiisas badan sida ay xaqiijiyeen wasaaradaha caafimaadka.

Somaliland tan ilaa maalintii xanuunku soo galay dalka diwaan galisay 131 Kiis oo xanuunka Korona ah iyada oo ay u dhinteen 11 qof kana soo kabsadeen 10 qof oo kale.

Si kasta ha ahaatee Somaliland ayaan xaqiijin ama diwaan galin wax kiisa ama dhimasho ah oo la xidhiidha xanuunka Korona 4-tii maalin ee ugu dambaysay ee la soo dhaafay.

Dhanka kale Somalia ayaa laga diwaan galiyay 1463 kiis oo xanuunka ah tan ilaa markii uu xanuunku bilowday iyada oo ay u dhinteen 50 qof halka ay ka soo kabsadeen 194 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*