Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Fariin Adag U Diray Somalia.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland ee Axmed Muumin Seed ayaa ku gacan saydhay masuuliyiinta Dowlada Somalia oo sheegay in ay diyaaraha Ayaxa buufiya u diri doonaan Gobolada Somaliland.

Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in ay Somaliland sugayso laba diyaarad oo buufiya Ayaxa oo si weyn ugu Habsaday gobolo iyo Degmooyin ka tirsan Somaliland.

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in ay diyaarada ka heleen Haayada American Ah oo US Aid lagu magacaabo.

Wasiirka ayaa beeniyay in ayna Somalia wax diyaarado ah u soo dirin Somaliland laakiin sidoo kale sheegay in ay yihiin laba dal oo jaar ah oo ayna waxba ka jirin wararka sheegaya in ay Somalia laba diyaarad u soo dirtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*