Xasaasi: Gudoomiyihii Gobolka Mudug Ee Qaraxa Lagu Dilay Oo Horay U Sheegay In Al-Shabaab Weeraro Hore Ku Soo Qaaday Si Ay U Disho.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo shalay lagu dilay qarax gaadhi ayaa horay u sii sheegay in la doonayo in la dilo ka hor intii aanu ku dhiman qarixii shalay lagu dilay.

Gudoomiye Axmed Muuse Nuur oo shalay lagu dilay qarax isaga oo ka sii baxaya Xafiiskiisa ayaa horay u sheegay in looga digay weerar ay Al shabaab ku doonayso in ay ku disho.

Sidoo kale Axmed ayaa sheegay in ay xitaa dhawr jeer isku dayeen in ay dilaan iyaga oo xitaa ugu galay hudheel uu ka daganaa magaalada laakiin aanay waxba gaadhsiin.

Qirashadan Naxdinta leh ayaa banaanka la keenay maalin kadib markii la dilay Marxuumka kaas oo lagu dilay meel ku dhaw xafiiskiisa xilli uu ka sii rawaxayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*