Al-Shabaab Oo Askar Ka Dishay Ciidanka Kenya Kadib Weerar Ay Ku Qaadeen

Dad ku dhaqan demada Hosingow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in uu dhacay qarax weyn oo lala beegsaday Baabuur ay la socdeen ciidanka Kenya.

Ugu yaraan 2 Askari ayaa la dilay iyada oo ay dhawr kalena dhaawacmeen markii baabuurkii ay saarnaayeen ku qaraxday Miino wadada Agteeda la dhigay Deegaanka Hosingow.

Wararka ayaa sheegaya in ay ciidanka Kenya ku wajahnaayeen Degmada Xuduudka ee Dhoobley ka hor intii uuna qaruxu dhicin.

Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen weerarka iyaga oo sheegay in ay khasaare u gaysteen ciidanka Kenya.

Si kasta ha ahaatee Madaxda Ciidanka Kenya ayaan wali wax war ah ka soo saarin weerarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*