Askari Ka Tirsan Dowlada Somalia Oo Gabadh Ku Dilay Muqdisho, Maxay Tahay Sababtu?

Gabadh ka shaqaysa Salon-ka lagu qurxiyo Dumarka ayaaa lagu dilay magaalada Caasimada Somalia ee Muqdisho Habeenimadii Arbacadii xilli ay ku sii socotay gurigeeda kadib markii ay ka baxday shaqada.

Gabadha oo lagu magacaabo Xamdi Cabdulahi ayaa la dilay iyada oo ku wajahan gurigeeda oo u dhaw Warshadii hore ee Caanaha ee Magaalada Muqdisho ee degmada Hodan.

Dad goob joogayaal u ah dhacada ayaa sheegay in Askari ka tirsan Dowlada Somalia in uu Xabad ku Furay baabuur meesha marayay oo siday gabadha si uu u geeyo gurigeeda.

Dhacadan ayaan ahayn midii ugu horaysay ee ka dhacda muqdisho maalmihii ugu dambeeyay iyada oo ciidamada Dowlada Somalia dad shacab ah ku dilayeen magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*