Banaanbaxyo Ka Socda Magaalada Muqdisho & Sababta Ka Dambaysa banaanbaxyadaas.

Waxa Magaalada Muqdisho ka socda Banaanbaxyo lagu taageerayo Meelmarintii Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ku meel mariyeen in Gobolka Banaadir Aqalka Sare ku yeelato 13 xubnood oo Aqalka sare ah.

142 Xubnood ayaa u codaysay in la Ansixiyo mooshinkan iyada oo kaliya 4 xubnood diideen arintaan.

Talaabadan ayaa tirada Aqalka sare ka dhigaysa 65 Senator kadib markii ay markii hore ahaayeen 54 oo maamul goboleedyada matalayay.

Kadib Ansixintaas waxa saaka Gobolka Banaadir ka socda Banaanbaxyo xoogan oo lagu taageerayo Go’aankaas iyada oo sidoo kale ka socdaan heeso loogu dabaal dagayo arintaas.

Waxa xaflada ka qayb galay ciidanka Baanboyda Banaadir iyo waliba xildhibaano ka tirsan Dowlada Somalia.

Sidoo kale waxa xaflada ka qayb qaatay Gudoomiyaha gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Maxamed Omar Filish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*