Ciidamo Xoog U Hubaysan Oo Lagu Daad-Gureeyay Xuduudaha Puntland, Maalmo Kadib Markii Madaxweynaha Puntland Digniin U Diray Somaliland.

Cutubyo Ka Tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo dhawaan tababar ugu soo xidhmay Puntland ayaa loo daad-gureeyay xuduudaha Puntland la leedahay Dalalka kala duwan.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa imanaya todobaadyo kadib markii madaxweynaha Puntland ee Siciid Deni Somaliland u sheegay in ay isaga baxaan Goobaha Puntland ee ay joogaan sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii la soo dhaafay Puntland iyo Somaliland ayaa hadalo kulul isku marinayay saxaafada xilli labada dhinac isku haystaan gobolada Sool, Sanaag & Cayn.

Madaxweynaha Puntland ee Siciid Deni ayaa maalintii uu ciidanka u sii xidhayay tababarka sheegay in ciidamada loo kala diri doono xuduudaha si ay u sugaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*