DEG-DEG: 17 Kiis Oo Xanuunka Korona Ah Oo Laga Diwaan Galiyay Somaliland 24-kii Saac Ee La Soo Dhaafay

Wasaarada Horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay warbixintii maalinlaha ahaa ee ku saabsanaa xanuunka Korona ee dalka.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ay 24-kii saac ee la soo saaray baadhitaan ku samaysay 130 qof taas oo xanuunka laag helay 17 qof.

11 Qof oo ka mid ah dadka laga helay xanuunka waxa ay joogaan Magaalada Hargiesa halka 6 qof oo kale joogaan Magaalada Ber-Bera iyada oo 12 qof yihiin Rag halka 6 kale dumar yihiin.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxa ka soo bogsday hal qof taas oo tirada guud ee dadka ka soo bogsaday xanuunka ka dhigaysa 148 qof halka ayna jirin cid cusub oo u dhimatay xanuunka walina waa 28 qof dadka u dhintay xanuunka.

Tan ilaa markii uu xanuunku ka bilowday Somaliland wasaarada caafimaadka ayaa samaysay 3220 baadhitaan taas oo guud ahaan xanuunka laga helay dalka 698 qof.

No photo description available.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*