DEG-DEG: Doorashooyinka Somalia Oo Dib Loo Dhigay & Sababta Oo La Sharaxay

Gabadha Gudoomiyaha U Ah Guddida Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Somalia Marwo Xaliimo-Yareey ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ayna Doorashadu ku dhici doonin wakhtigii loogu tala galay una baahantahay wakhti dheeraad ah maadama la qabanayo doorasho Hal qof iyo Hal cod ah kaas oo ay meel mariyeen Baarlamaanku Madaxweynuhuna Ansixiyay.

Marwo Xaliimo-Yareey ayaa sheegtay in ay jiraan dhibaatooyin soo wajahay Hawlada Guddida Doorashooyinka kana mid yihiin dawlad gobaleedyada, Dhaqaalaha iyo xaaladdaha Amniga ee Soomaaliya.

Xaliimo yareeya ayaa sheegtay in ay doorashada qaabka cusub ee hal qof iyo Hal cod ah ay ku qaban karaan muddo 13 bilod ah taas oo ah sanad iyo hal bil iyaga oo dadaalkooda bilaabi doona bisha July.

“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka”ayay xaliimo sheegtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*