DEG-DEG: Kiisaska Xanuunka Korona Ee Somaliland Oo 700 Ku Dhaw.

Wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay warbixintii maalinlaha ahaa ee ku saabsnaa xanuunka Korona ee Magaalooyinka iyo Gobolada Somaliland.

Wasaarada ayaa sheegtay in ay 24-kii saac ee la soo dhaafay baadhitan ku samaysay 91 qof iyada oo xanuunka laga helay 18 qof.

14 ka mid ah dadka laga helay xanuunka waxa ay joogaan magaalada Hargiesa halka 4 qof ee kale joogaan maagalada Ber-bera iyada oo 13 ka mid ah Rag yihiin 5 kalena dumar yihiin.

Tirada dadka laga baadhay guud ahaan xanuunka ayaa ah 3090 qof waxana guud ahaan xanuunka laga leha 681 qof iyada oo ayna dad cusub ka soo bogsan 24-kii saac ee la soo dhaafay.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxa xanuunka u dhintay Hal qof taas oo tirada guud ee dadka xanuunka u dhintay ka dhigaysa 28 qof tan ilaa markii uu xanuunka ka bilowday Somaliland.

No photo description available.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*