DEG-DEG: Somaliland Oo Xaqiijisay Kiisas Cusub Oo Xanuunka Korona Ah.

Wasaarada Horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay warbixintii maalinlaha ahayd ee ku saabsanayd xanuunka Korona kaas oo ku soo badanaya Somaliland todobaadyadii ugu dambeeyay.

Agaasimaha guud ahna mishiinka wareejiya wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay baadhitaan loo sameeyay 80 qof oo ku sugan dalka Somaliland lagana helay xanuunka 26 qof.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa sheegay in ay 22 qof yihiin dad u dhashay dalka oo Somalilander ah halka 4 kale yihiin dad u Dhashay dalka Hindiya.

Dadka laga helay xanuunka 19 qof waa Rag halka 7 kale yihiin dumar iyada oo 13 ka mid ah dadkaas joogaan Hargiesa halka 7 qof joogaan Boorama iyo Ber-Bera oo 6 qof joogaan.

Agaasimaha ayaa intaas sii raaciyay in 48-kii saac ee ugu dambeeyay ay 5 qof ka bogsadeen xanuunka taas oo tirada guud ee dadka bogsaday kor ugu qaadaysa 48 qof.

Tirada guud ee ilaa haatan Somaliland laga helay xanuunka ayaa kor ugu kacday 358 qof kadib markii lagu daray dadkii xanuunka laga helay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Wax dhimasho ah lama diwaan galin 24-kii saa ee ugu dambeeyay waxa ay wali taagantahay halkeedii hore oo ah 22 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*