DEG-DEG: Tiradii Ugu Yarayd Ee Kiisaska Xanuunka Korona Oo Laga Diwaan Galiyay Somaliland.

Wasaarada Horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay warbixintii maalinlaha ahaa ee ku saabsanaa xanuunka Korona kaas oo ku soo badanaya Dalka.

Wasaarada ayaa xaqiijisay 24-kii saac ee la soo dhaafay in baadhitaan lagu sameeyay 102 qof iyada oo laga helay xanuunka 7 qof Tiradaas oo ah midii ugu yarayd tan ilaa markii uu xanuunku wadanka soo galay.

4 Ka mid ah dadka laga helay xanuunka waxa ay joogaan magaalada Hargiesa halka 3 qof joogaan Borama halka 6 ka mid ah yihiin Rag hal qof-na tahay Dumar.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxa xanuunka ka soo kabsaday 19 qof taas oo ah maalintii ugu badnayd ee ay dad ka soo kabsadaan xanuunka iyada oo tirada guud ee dadka ka soo kabsaday haatan gaadhay147 qof.

Ma jiraan dad u dhintay xanuunka 24-kii saac ee la soo dhaafay waxana ay tirada dadka u dhintay xanuunka maraysaa 28 qof halka guud ahaan 663 qof laga helay xanuunka tan ilaa markii uu soo galay dalka.

No photo description available.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*