“Dhiig Ayaa Daadan Doona” Puntland Oo Dib Ugu Jawaabtay Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland ee Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa u jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka wasaarada Warfaafinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumada Saleebaan Yusuf Cali Koore.

Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa aan doonayaa in aan halkan 2 Kalmad ka yidhaahdo Hadal Cay iyo Aflagaado ah oo uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland ee Saleebaan Cali Koore u soo jeediyay Madaxweynaha Puntland madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ee Siic Cabdilahaahi Dani”.

“Waxa aan doonayaa in aan marka hore u sheego Saleebaan Cali Koore iyo dowlada uu ka tirsanyahay in dhulka uu ka hadlay yahay dhul ay Puntland leedahay warka madaxweyne Dani sheegayna yahay mid dhab ah loona baahanyahay in ay sida ugu dhakhsaha badan u baneeyaan deegaanadaas hadii kale uu dhiig ku daadan doono”.

1 Comment

  1. LABA DAAYEER OO XATAA DANTOODA GARANAYN. MID WALBA DHAMBAAL LOO SOO DHIIBAY AYUU AKHRIYEYAA. ALLOW HANA DULLAYN.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*