Dowlada Maraykanka Oo Ciidamada Somlia Ku Tilmaamay Kuwo Aan Awood U Lahayn In Ay Al-shabaab Ka Saaraan Dalka.

Dowlada Maraykanka ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqata kuwo daba dhigtay Dowlada Somalia maalmihii ugu dambeeyay kadib hadal ka soo yeedhay.

Kadib markii uu Donald Trump maalmo ka hor ku digtay Dowlada Somalia kuna tilmaamay in ayna ahayn Dowlad awood leh waxa ay markan shaki galiyeen awooda ciidamada xooga dalka Somaliyeed.

Dowlada Maraykanka ayaa si cad u sheegtay in ayna ciidamada Somalia awood u lahayn in ay Dalka ka saaraan Maleeshiyada Al-shabaab kuwaas oo wali maamula dagmooyin ka tirsan Somalia.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Ayaa sheegtay in Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ku sii badanayo Somalia sanadihii ugu dambeeyay waliba dagaalyahanada Al-shabaab Fuliyeen in ka badan 1,000 weerar oo Somalia dhexdeeda ah sanadkii la soo dhaafay.

Sahamin ay sameysay Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa sheegtay in Al-shabaab Somalia dhexdeeda ku leedahay in ka badan 7 kun ilaa 9 kun oo Ciidamo ah oo ku sugan gudaha Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*