Dowlada Somalia Oo Fariin Adag Oo Hanjabaad Ah U Dirtay Dalka Iran, Sabab.

Dowlada Somalia ayaa Fariin adag u dirtay dalka Iran kadib markii ay ogaatay in maraakiib laga leeyahay dalkaas si sharci daro ah uga kaluumaysanayaan badda Somalia.

Saddexdii bilood ee ugu horreeyay sannadkan 112 Maraakiibta wax jillaabta ah ayaa xeebaha Soomaaliya sifo sharci darro ah uga hawl-galay, sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya.

Wasiirkada Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka Somalia aya dalka Iran ugu hanjbatay in aanay aqbali doonin kaluumaysiga sharci darada ah ee uu dalka Iran ku hayo Badda Somalia.

Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Soomaalia Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay in ay Dowladiisu sharciga caalamiga ah la tiigsan doonto cid walba oo si sharci daro ah uga kalsoomaysata baddaha somalia.

Digniinta 2-aad ee ay Dowlada Somalia u dirayso Iran ayaa imanaysa kadib markii ay Somalia dalalka Iran iyo Pakistan bilowgii sanadkan uga digtay in ay si sharci daro ah uga kaluumaystaan Badda Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*