Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ugu Dambayn Ansixiyey Labadii Xubnood Ee Xusbiyada Mucaardika Ee Komishanka doorashooyinka.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo maanta isugu yimid Fadhi aan caadi ahayn oo u jeedkiisu ahaa sidii loo Ansixin lahaa labada xubnood xusbiyada mucaaridka Somaliland u soo xuleen Komishanka doorashooyinka.

Labadan xubnood ayaa ah kuwo ay Mudanayaasha Golaha wakiiladu horay u diideen ayaa ugu dambayn si Rasmi ah loo Ansixiyay kadib markii la hor keenay Golaha wakiilada.

Fadhigan ayay ka soo qayb galeen 53 mudane oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Baashe maxamed Faarax ayaa mudanayaasha u sheegay in la doonayo in la Ansixiyo labada xubnood ama la diido.

Ugu Dambayn Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si Rasmi ah u Ansixiyen Labada xubnood ee Xusbiyada Mucaaridku u Gudbiyeen Golaha kuwaas oo muran badan dhaliyay wakhtiyadii la soo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*