Hal Shardi Oo Lagu Xidhay In Ay Kooxaha Somaliland & Somalia Wada Ciyaaraan.

Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi ayaa shardi ku xidhay in ay kooxaha kubada cagta ee ka kala dhisan somaliland iyo Somalia wada ciyaari karaan mustaqbalka dhaw.

Somaliland Iyo Somalia oo ay wadahadalo u furmeen bartamihii bishan ayaa ogolaatay isku socodka dadka shacabka iyo ganacsiga ah waxana ka mid ah kubada cagta.

Kooxo badan oo heerarka kala duwan ah ayaa ka kala dhisan Somaliland Iyo Somalia taariikhdana horay uma wada ciyaarin maadama uuna wax xidhiidh ah ka dhexayn Tan ilaa 1991 markaas oo ay Somaliland si gaar ah uga Goosatay Somalia inteeda kale.

Laakiin kadib wadahadaladii Somaliland Iyo Somalia ku dhexmaray Dalka Djibouti waxa suurtagal ah markii ugu horaysay taariikha Somaliland & Somalia in ay laba koox oo ka kala dhisan wada ciyaari karaan waliba iyaga oo kala booqan kara Muqdisho, Hargiesa & Gobolada Kale ee Somaliland & Somalia.

Laakiin Madaxweynaha Somaliland ayaa shardi ku xidhay in ay arintaas dhacdo intii uu ku jiray khudbadii xuska 26-ka June ee ka soo wareegtay 60 sano jirka ay somaliland horiyada ka qaadatay gumaysigii Ingiriiska.

Madaxweynaha oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hadii ay Koox Somaliland ka dhisan Doonayso In Ay Koonfur kubad kula soo ciyaarto waa in ay Ku baxdo Baasaboorka Somaliland sidoo kale Dowlada Somaliland Dirtay oo waliba Magaca Somaliland ku ciyaaraya”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*