Kooxaha Kubada Cagta Ka Dhisan Somaliland & Somalia Oo Wada Ciyaari Kara Markii Ugu Horaysay Taariikhda

Markii ugu horaysay Taariikhda kubada cagta Somaliland Iyo Somalia waxa wada ciyaari kara laba kooxood oo ka kala socda labada dhinac iyada oo waliba labada dhinac u kala gudbi karaan magaalada Hargiesa & Muqdisho sidoo kale Gobolada kale ee Somaliland & Somalia.

Arintan ayaa ka mid ah is dhex-galka iyo wada shaqaynta somaliland Iyo Somalia kadib wadahadalo labada dhinac ku dhexmaray Dalka Djibouti 14 bishan June.

Wasiirada Arimaha Dibada Somaliland ee Yaasin Xaaji Maxamuud ayaa xaqiijiyay in kooxaha kubada cagta ee ka dhisan Somaliland Iyo Somalia wada ciyaari karaan waliba ka kala gudbi karaan magaalyooyinka Somaliland Iyo Somalia laakiin ku xidhay Hal shardi oo ah in aanay wax siyaas ah ku jirin arintaas.

Xilli uu wasiirku ka hadlayay warsaxaafadeedkii ay Djibouti soo saartay ayuu sheegay in ay koox ka dhisan Somaliland tagi karto Muqdisho kuna soo ciyaari karto halka koox ka dhisan Somalia iman karto Hargiesa kuna ciyaari karto.

Wasiirka oo la waydiiyay in ay koox ka dhisan Somaliland tagi karto Muqdisho si ay koox halkaas ka dhisan ula soo ciyaarto ama ay koox Somalia ka dhisan iman karto Hargiesa si ay ula ciyaarto koox ka dhisan halkaas.

Waxana uu ku jawaabay “Hadii loo baahdo oo aanay Arimo siyaasad iyo ujeedo kale ku jirin, mid walba waa la eegayaa waana laga fiirsanayaa wixii aan ujeedooyin siyaasad iyo khal-khal galin lahayn waa la ogolyahay”.

Hadii ay dhacdo waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay ee Laba Koox oo ka socda labada dhinac wada ciyaaraan kubada cagta taariikhda.

Iyada oo markii hore Somaliland Iyo Somalia isku mid ahaayeen tan ilaa 1991 markaas oo ay Somaliland gaar ka noqotay Somalia kana goosatay Muddo 30 sano ahna tahay dal ka madaxbanaan Somalia.

1 Comment

  1. Waar horta marka hore sida aad warbixinta u qorteen ayaaba khaldan ee marka horeba ha odhanina labada dhinac ee labada dal dhaha waa somaliland iyo somaaliya Amaa bacad suaashaydu waxa weeyaan cida dhexdhexaadinaysa waa ayo horta jabuuti lama yeelayo oo dhawr shir óo somalida ay u qabatay midna laguma liibaanin sidaa darteed cida dhaxdhexaadinaysa ha laga heshiiyo aniguse waxaan ku ´talin lahaa laba calan wale oo cas cas macnaha dadka reer aasiya ee cas cas ah iyo siidhi wale cad macnaha dadka yurub ee cad cad ah ha dhexdhexaadiyeen hadii kale wallaahi ma waxaan lagu kala kici doonin śidii shirkii jabuuti kkkkkkk ok ók asxaabii

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*