Maalintii 11-aad Oo Xidhiidh Ah Oo Uu Mudaharaad Ka Socdo Dalka Maraykanka Kadib Markii Nin Madow Ku Dhintay Gacanta Booliska Dalkaas

Demonstrators attend a Black Lives Matter protest to express solidarity with US protestors in Sydney on June 6, 2020 and demand an end to frequent Aboriginal deaths in custody in Australia. (Photo by SAEED KHAN / AFP) (Photo by SAEED KHAN/AFP via Getty Images)

Habeenkii 11-aad oo xidhiidh ah ayaa mudaharaadyo aad u weyn laga dareemay dalka Maraykna kadib markii Nin madow oo lagu magacaabo Jeorge Floyd ku dhintay gacanta boosliska Minneapolis, Minnesota.

Dhacdadan ayaa dhacday 5 bishii May markaas oo uu Nin African ah ku dhintay gacanta Askari qoorta ka saaray Jilibkiisa isaga oo dhulka jiifa oo aan wax dhib ah samaynayn.

Arintaas ayaa keentay in dalka America mudadaharaadyo xad dhaaf ah ka dhacaan dalkaas halkaas oo ay ku lumeen Hanti badan hadii ay tahay guryo, meherado la xaday ama Gawaadhi la gubay.

Xalay ayay ahayd markii ugu dambaysay ee ay mudadaharaadyo ka socdeen qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka America.

Waxa xusid mudan in dhamaan 4-tii Askari ee ku lug lahaa dambiga xilka laga dhigay laguna riday xukuno adag oo kala duwan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*