Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Oo Somaliland U Sheegay In Ay Isaga Baxdo Dhulka Ay Puntland Ka Haysato.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Somaliland U Diray Fariin Adag xilli uu ku jiray soo xidhista Tababar u dhamaaday qaybo ka mid ah ciidamada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qayb qaatay Xaflad loo xidhay Ciidamo ka qalin jabiyay tababarka ciidamada kana mid ahaa ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo sheegay in ay Somaliland haysato qaybo ka mid ah Puntland ayaa u sheegay in ay isaga baxaan Goobahaas.

Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi”Somaliland waxa aan ugu baaqaynaa Si Sharaf Leh in ay dhulka Puntland ee ay joogto Uga Baxdo”.

“Dhiig walaal Ma Doonayno, Darisnimo ayaan Rabnaa, wanaag & Horumar ayaan Rabnaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*