Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo Taliyayaal Cusub U Magacaabay Ciidamada Badda & Dhulka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay taliyayaasha Ciidamad Badda iyo waliba dhulka sida la xaqiijiyay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka Xooga dalka Somalia waxana uu haatan noqday taliyaha cusub ee ciidanka Badda.

Waxa uu Madaxweynuhu Isla wareegto kale ku magacaabay in uu taliyadaha ciidanka dhulka xooga dalka Somaliyeed noqdo  Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda.

Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday shalay oo Salaasa ahayd waxana ay sidoo kale Hir gashay shalay oo ahady 23 bisha June sanadka 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*