Madaxweynaha Somaliland Ee Muuse Biixi Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Ay Somaliland Dib Ula Midowdo Somalia.

Somaliland gaar ahaan magaalada Hargiesa gaar ahaan Madaxtooyada waxa xalay looga dabaal dagay xusaka sanad guurada 60-aad ee Ka soo wareegtay wakhtigii Somaliland Xornimada ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska.

Waxa xuska ka qayb qaatay masuuliyiin kala duwan oo dowlada ah iyo waliba qaybo ka mid ah beesha caalamka oo ay hogaaminayeen Dalalka Djibouti iyo waliba Turkey.

Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi oo khubad ka soo jeediyay munaasibada ayaa hal shardi hor dhigay Dowlada Somalia kuwaas oo ay kaga dhagantahay dib u midowga Somalia Iyo Somaliland.

Bartamihii bishan June ayay ahayd markii ay Wadahadalo uga furmeen Somaliland iyo Somalia dalka Djibouti halkaas oo ay labada dhinac kaga wadahadaleen arimo badan oo kala duwan.

Intii uu ku jiray Khudbada Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi ayaa Hal Shardi hor dhigay dib u midoobista Somalia & Somaliland isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dib ula midoobaan Somalia hadii shardigaas la buuxiyo.

Madaxweynaha oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Walaalayaal maalinta 26 june waa maalinta ugu qiimaha Weyn Somaliland ee ay ka xorowday Gumaysigii reer Yurub ee Africa oo dhan qaybsaday iyada Somaliland ka mid ahay wadamadii ugu horeeyay ee Africa Xoriyada ka qaatay Gumaystaha”.

“1 July ayaynu la midownay Somalia sida ay taariikhdu xusayso inaaga oo Midnimo bilaa shuruud ah ku galnay si dib loo helo 5-tii Soomaaliyeed shardigaas kaliya ayaan ku xidhnay”.

“5-tii Somaliyeedna Maanta Mid walba Halkeed Ayay Joogtaa, Somaliland-na halkeeda ayay Joogtaa, Mana Garanayo Wax Somaliland ah oo la midoobo doonta Somalia”.

“5-tii Somaliyeed Hadii Ay Dib U Midoobayaan Haatan Somaliland ka mid ayay Noqon Doontaa Hadii kale Nin walba Halkiisa Ayuu Dowlad Xor Ah Ku Yahay”

Shardigan ayaan ahayn mid suurtagal noqon kara maadama ayna haatan dib u midoobi karin dadkii la isku odhan jiray 5-ta Soomaaliyeed.

2 Comments

  1. Muse ,Koota ayaa loogu xiray iyo in uu dhegaha ka garaaco dadka Goboladaas, midnimana ma rabo, wixiisu waa sheeko waakan lehBaasaboor Somaliland baa xamar lagu tegayaa, waa cabsi uu ka baqayo shacabkii uu sodonka sano beenta u sheegayey, waa xaqiiq qofkii laga Kaas,in aiportiga lagu xirayo, miskiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*