Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Kashifay Qodobkii Ugu Adkaa Ee La Isku Dhaafi Waayay Wadahadaladii Somaliland & Somalia

Madaxweynaha Somaliland Ee Muuse Biixi Cabdi oo ku soo laabtay Dalka Kadib markii uu wadahadalo 4 maalin ah la qaadatay Somalia wadahadalo ka dhacay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay wadahadalo adag dhexmareen gudidii Farsamada ee loo doortay in ay sii wadaan wadahadalada Somaliland Iyo Somalia si xal looga gaadho khilaafka labada dhinac.

Waxa jiray marar badan oo ay joogsadeen wadahadalada Somaliland Iyo Somalia sabab la xidhiidha in ayna labada dhinac isku raacin go’aanada qaarkood ama dalabyada qaarkooda.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in qodobkii ugu adkaa ee ay Labada dhinac isku mari waayeen ahayd dhanka lacagaha deeqaha iyo sidii looga qaadan lahaa beesha caalam-ka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ay Gudidii Ay Somalia u soo xulatay wadahadaladu u sheegeen In ay Somalia laga aqoonsanyahay Adduunka waliba tahay in ay Iyagu la kulmaan beesha caalamka kana soo qaadaan deeqaha kadib Somaliland siiyaan waxa ay leedahay Laakiin Gudididii Somaliland ayaa si cad u diiday arintaas.

Taas ayaa keentay in uu dalka Maraykanku soo dhex-galo labada dhinac una sheego in ay Somaliland & Somalia si wada jir ah uga wadahadalaan arintaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*