Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaadan Doona Madaxda Maamul Goboleedyada & Waxyaabaha Ay Ka Hadli Doonaan Oo La Ogaaday.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaalia ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta kulan la yeelan doona madaxda dowlada Goboleedyada dalka sida ay sheegayaan wararku.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda la kulmi doono Madaxda Dowlada Goboleedyada Somalia iyada oo laga wada hadli doono Qodobo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin Amaanka, Arimaha Doorashooyinka iyo waliba xaalada dalka ee xanuunka Korona.

Madaxda Dawlad goboldeedyada Iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku kulmi doona qaab Maqal Iyo Muuqaal ah maadama aan si toos ah loo kulmi karin sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*