Madaxweynihii Hore Ee Dowlada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Hadlay Dib U Dhigista Doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Dowlada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dib u dhigistii lagu sameeyay doorashada Somalia isaga oo madaweynaha Dowlada Federaalka Somalia ku eedeeyay Arinta dhacday.

Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta kala duwan ayaa sidoo kale ka hadlay xeerka matalaada Gobolka Banaadir ee Golka shacabka ee shalay la meel mariyay.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo laba arimood oo waaweyn muhiim-na ah wakhtigan Mida 1-aad shalay oo ay taariikhdu ahayd 27 June 2020 Golaha shacabka ee Baarlamaanka Somalia waxa ka dhacay 2 arimood oo aad iyo aad muhiim u ah Taariikhda Somalia-na muhiim ku ah mida 1-aad waxa ay ahayd matalaadii Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare mida 2-aadna waxa ay ahayd hadal jeedintii Guddida madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*