Magaalada Boosaso Oo Laga Hir Galiyay Xaruntii 2-aad Ee Baadhitaanka Xanuunka Korona.

Magaalada Boosaso ayaa laga Hir galiyay xaruntii 2-aad ee baadhitaanka xanuunka Adduunka Saameeyay ee Korona xilli Puntland la tacaalayso la dagaalanka xanuunka.

Xaruntan oo ah midii 2-aad ee Puntland laga Hir galiyo ayaa laga Aas-Aasay Maagalada Boosaao kaas oo maanta si Rasmi ah xadhiga looga jaray xarunta.

Wasiiro ka tirsan Puntland iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ka qayb qaatay daah-furka xarunta cusub ee loogu talagalay in lagu baadho xanuunka.

Xaruntan cusub ayaa looga maarmayaa in dheecaanada loo qaado Xarunta ku taala caasimada Garoowe oo markii hore lagu soo baadhi jiray dadka laga qaado dheecaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*