Maka Shalaysay Guurkaaga Kadib Markii Uu Dhacay, Arintan Ayaa Sabab U Ah.

ka shalaynta guurka ayaa ah mid dhacda hadii ay ka dhacdo dhanka Ragga ama dhanka dumarka ama labadoodaba, ma jirto wakhti go’an oo ay arintaas dhacdo waana mid u baahan ka fikirid sababaha keena Shalaynta guurka iyo waliba in ay suurtagal tahay in xal loo raadiyo.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababaha keena Shalaynta guurka

1.Ogaanshaha sifo aan fiicnayn oo uu leeyahay qofku:

Sababha keena shalaynta Guurka ayaa ah in labada qof ee is guursaday isku arkaan sifooyin ama calamaado ayna markii hore isku arkin taas oo keenaysa in ayna labada qof sii wadan karin noloshooda guurka, shalaynta guurka ayaa imanaysa marka ay labada qof ee is guursanaya kala qarsadaan dabeecadohooda xun ka hor guurka.

2.Ku Deg-dagista Go’aanka Guurka:

Ku Deg-dagista go’aanka guurk ayaa ah sababta kale oo keentay in uu qofku dareemo shalayn dhanka guurka ah sababta oo ah Guurku waa go’aan xasaasi ah waxana fiican in aan lagu deg-degin.

3.Filashada Wax weyn:

In labada qof wax weyn iska filanayaan ka hor guurka oo ayna waxaasi dhicin waa sabab kale oo keenta in qofku ka shaleeyo guurka sababta oo ah in uu qofku lamaanihiisa ka fisho wax weyn laakiin ay suurtagali waydo waa arin dhib weyn ku ah guurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*