Puntland Oo Diiday Shir Uu Madaxweynaha Federaalka Somalia Ee Farmaajo Uu Ku Casuumay.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland ee Cabdilaahi Cali Xirsi Tima Cade Oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa Diiday dalab Puntland uga yimid Madaxweynaha Federaalka Somalia ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ahaa in ay ka qayb galaan shir uu ku casuumay Dowlad Goboleedyada.

Sababta uu Farmaajo dowlad Goboleedyada ugu casuumay shirka ayaa ah in uu doonayo in looga wadahadalo doorashada qabsoomi doonta sanadka 2020/2021.

Tima Cade ayaa sheegay in ayna Puntland ka qayb gali doonin shirkaas isla markaasna taageersantahay baaqii gudoomiyaha Aqalka Sare Cabid xaashi cabdilaahi oo ahaa in la isugu yimaado shir looga hadlayo xaalada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ayna ka qayb qaadan doonin shirka uu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay maamul goboleedyada maadama ayna doonayn in ay ka qayb noqdaan mar-marsiiyaha dowalda dhexe si dib loogu dhigo doorashooyinka.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*