Puntland Oo Ku Dhawaaqday In Ay In Ay Ka Madax-Banaantahay Somalia Inteeda Kale.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horaysay ku dhawaaqday in ay Yihiin wadan ka madax-banaan Somalia Inteeda kale waliba yihiin dal Gooni ah.

Wareegto ka soo baxday Dowlad Goboleedka Puntland oo ay soo saartay Xukuumadu ayaa loo Isticmaalay Kalmada “Dal” halkii markii hore loo Isticmaali jiray Dowlada Puntland.

Warbixinta oo ku saabsanayd xanuunka Korona ayaa lagu sheegay in Deeganada dalka Puntland la samaynayo dadaalo lagu joojinayo xanuunka faraha baas ku haya adduunka ee Korona.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Khilaaf xoogan ka dhextaagan yahay Dowlada Federaalka Somalia iyo waliba Madaxda Puntland.

Hadalkan ayaa si maldahan u sheegaya in Maamulka Puntland si cad u doonayaan in ay noqdaan dal ka gaar ah Dowlada Federaalka Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*