Puntland Oo Shaqada Ka Fadhiisisay Saraalkiil Ka Tirsan Ciidamada Dowlada

Taliyaha Booliska Puntland Sareeye guuto Cabdi Xuseen Xasan ayaa sheegay in shaqada laga joojiyay taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Karkaar ee Jaamac Cismaan iyo Taliyaha Saldhiga Qardho ee cumar Hiirad Kaatun.

Taliye Cabdi Xuseen Xasan Warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in Booliska Puntland uu qaaday labo tallaabo oo kala ah baaritaan lagu sameeeyey kiis 8 bishan ka dhacay magaalada Qardho iyo shaqo joojin lagu sameeyey labadii sarkaal ee ku lug lahaa kiiskaas.

“Waxaan cudurdaar ka bixinayaa falka oo ku dhacay aqoon xumo iyo sharci darro mana ahayn mid ku fiican sumcadda iyo magaca Booliska.”ayuu yidhi Cabdi Xuseen Xasan.

Labada Sarkaal ayaa loo haystaa muuqaal xadgudub ah oo siddeedii bishan laga duubay dhalinyaro ku caweynaysay bannaanka magaalada Qardho, kaas oo lagu baahiyey baraha bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*