Puntland Oo Sheegtay In Ayna Aqbali Doonin Go’aan Walba Oo Ka Soo Baxa Wadahaladii Somaliland & Somalia.

Dowlada Puntland ayaa si cad u sheegtay in ayna Aqbali doonin Go’aan Walba Oo ka Soo Baxa Wadahalada u socda Somaliland Iyo Somalia ee ka socda dalka Jabuuti.

Xilli uu khudbad u jeedinayo Golaha Wakiilada Kaladhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yusuf Jibril ayaa sheegay in ayna Dadka Puntland Aqbali doonin Go’aan Walba oo ka soo baxa Wadahadalada U Socda Somaliland & Somalia.

Cabdirashiid Yusuf Jibril ayaa Dhamaan daneeyayaasha Arimaha Somalia u sheegay in Wadahalada Masiiriga ah ee u dhexeeya Somaliland & Somalia oo aanay ka qayb galayn Puntland iyo dadka ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag & Cayn ayna Aqbali doonin Go’aan Walba oo ka soo baxa Wadahadalada Somaliland & Somalia.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa Nasiib daro ku tilmaamay in madaxweynaha Somalia uu si cad ugu xad gudbay dastuurkii lagu doortay ee ay ahayd in uu ilaaliyo Waliba uu Aqbalay in uu Koox Gooni Goosato ah iyo waliba Dowlada Federaalka ah u wada Fadhiistaan Si Siman Isaga oo fursad siyaasadeed ka raadinaya doorashooyinka Soo Socda ee Somalia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*