Puntland Oo Si Kulul Uga Hadashay Wadahadalada Somaliland & Somalia Maanta Uga Furmaya Dalka Djibouti

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si kulul uga hadlay wadahalada Somaliland Iyo Somalia uga furmaya dalka Jabuuti maanta oo Axad ah.

Maamul goboleedka Putland ayaa ka biyo diiday Wada hadalka Somaliland iyo Somalia uga furmaya Dalka Jabuuti, Afhayeenka Madaxtooyada Putland Jaamac Dabaraani ayaa yidhi

“Wadahadal Soomaaliya iyo Somaliland ah oo aan Puntland door laga siin anigu magaran karo ujeedka laga leeyahay, waayo cidda ay xuduudu ka dhexeeyso waa Puntland iyo Somaliland”.

“Marka hadii la rabo inay wax hagaagaan oo midnimo dhab ah laga shaqeynayo waa in Masuuliyiinta Puntland, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta Puntland ku metela Sanaag , Sool iyo Ceyn ay ka qeyb galaan wadahadalka, hadii kale waxaa uu wadahalku ku sifoobaya mid aan masiiri aheyn oo dano siyaasadeed uun laga leeyahay.”

Waxa haatan dalka Jabuuti Gaadhay masuuliyiinta labada dal oo ay kala hogaaminayaan laabda Madaxweyne ee Somaliland Iyo Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*