Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo Xoog Ku Qabsaday Bangiga Degmada Badhan

Ciidamo katirsan kuwa daraawiishta ee Puntland ayaa qabsaday xarunta Bangiga Puntland ee magaalada Badhan sabab la xidhiidha Mushahar la’aan ay ka cabanayaan.

Ciidanka ayaa sheegay in ay Wasaarada maaliyadu u diiday in ay helaan xuquuqdooda iyo waliba Mushaharka ay ugu shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Puntland.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ayaa sheegay in ay Ciidamadu yihiin kuwa sugayay Madaarka diyaaradaha Badhan waliba mushaharka laga joojiyay tan ilaa markii ay diyaaradii dowlada Federaalka ee siday dawooyinka Xanuunka Korona.

Markan ayaan ahayn markii ugu horaysay ee ay ciidamada Puntland ka cawdaan mushahar la’aan iyo waliba in ayna dawladu siin xaqooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*