Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Dib U Dhigistii Doorashooyinka Somalia

Xafiiska Qarmaada Midoobay ee Somalia Ayaa u madahcelinaysaa Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka ee Marwo Xaliimo Yarey kadib markii ay soo bandhigtay qaabka loo gali karo doorasho hal qof iyo Hal cod ah taas oo la gali doono wakhtiga ugu horeeya ee bisha March 2021.

Qaramada midoobay ayaa Madaxda Kala duwan ee Siyaasad Somalia kula talisay in ay wadahadalo ku dhameeyaan wax walba si horay loogu socdo waliba qorsheeyaan wadahadalo ay yeelan doonaan Dowlada Federaalka ee Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka si loo qaado talaabada xigta.

Fariinta qaramada midoobay ayaa imanaysa kadib markii Gudoomiyaha Guddida madaxa banaan ee doorashooyinka Somalia sheegeen in ay ugu yaraan 13 bilood u baahantahay in lagu diyaariyo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Qarmada Midoobay xafiiskeeda Somalia ayaa Fariintan soo dhigay Bogeeda Twitter-ka isaga oo ka fal celiyay dib u dhigistii doorashooyinka Somalia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*