Qarax Ka Dhacay Saacado Kadib Markii Garoonka Muqisho Xadhiga Laga Jaray laguna Ciyaaray Kulankii Ugu Horeeyay Muddo 30 Sano Ah.

Qarax weyn aya ka dhacay garoonka cusub ee Muqdisho Staduim ee maanta xadhiga laga jaray sida lagu helay muuqaal la soo dhigay baraha bulshada la soo dhigay.

Qaraxa oo ka dhacay garoonka Gudihiisa wakhti yar kadib markii ay dhamaatay ciyaartii lagu furay garoonka Muqdisho Staduim Oo maanta xadhiga laga jaray.

Qaraxa ayaa soo dhexgalay waraysi uu wariye ka qaadayay mid ka mid ah ciyaartooyadii kulanka ciyaaray kuna guulaystay koob lagu furayay garoonka.

Garoonka ayaa lagu ciyaaray kulan markii ugu horaysay muddo 30 sano ah maadama uu markii hore xidhnaa ahaana meel xero ciidan u ahayd ciidamada Itoobiya muddo 10 ku dhaw.

Qaraxa ayaa dhacay saacado yar kadib markii uu goobta ka tagay madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*