RASMI: Somaliland Oo Si Rasmi Ah Dalka Uga Qaaday Xayiraadihii Loo Soo Rogay Xanuunka Korona Dartiisa.

Somaliland ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay guud ahaan dalka ka qaaday xayiraadihii kala duwanaa ee lagu soo rogay sabab la xidhiidha xanuunka Korona kaas oo muddo bilo ah dalka ku jira.

Xayiraadaha la qaaday ayaa ka mid ah isu socodka dalka gudihiisa, Isu socodka xuduudaha dalka hadii ay tahay dhulka cidka iyo badaba kuwaas oo loo xidhay si loo yareeyo faafista xanuunka Korona.

Sidoo kale Waxa xayiraada laga qaaday xafladihii kala duwanaa iyo isu imaatinkii dadka badan ee ka dhici jiray dhamaan dalka gudihiisa kuwaas oo iyadana la joojiyay.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ah Gudoomiyaha Gudida ka hor taga xanuunka Korona ayaa sheegay in si Rasmi ah dalka looga qaaday dhamaan xiyaraadihii ka saarnaa dhan walba.

Laakiin madaxweynaha ayaa shacabka u sheegay in ay si shaqsi ah isku ilaaliyaan kana digtoonaadaan xanuunka Korona kaas oo dad badan kaga dhacay Somalinad.

Laga bilaabo 30 bishan haatan lagu jiro wax si Rasmi ah u furmi doona dhamaan xayiraadihii la saaray dhamaan adeegyadii ka bixi jiray dalka gudihiisa sida adeegyada waxbarashada, safarada iyo socdaalada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, Hudheelada, Ganacsiyadii xidhnaa.

Sidoo kale waxa loo sheegay cid walba oo dalka ka soo galaysa xuduudaha kala duwan sida dhulka, cirka iyo badaba in uu haysto warqad cadayn u ah in uu iska soo baadhay xanuunka oo uuna qabin xanuunka Korona.

Gudida ka hor taga xanuunka Korona ayaa uga digtay cid walba oo aan soo qaadan warqad cadaynaysa in uuna qabin xanuunka Korona in uu gali doono Karantiil uu isagu isku qabi doono kharashka ku baxaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*