Shirkii U Dhexeeyay Dowlada Federaalka Somalia & Maamul Goboleedyada Oo Soo Xidhmay & Waxa Ka Soo Baxay Shirka.

Waxa soo dhamaaday shir maanta u dhexeeyay Madaxda Dowlada Federaalka Somalia Iyo Maamul Goboleedyada kaas oo ku dhacay qaabka Maqalka Iyo Muuqaalka.

Shirka oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Somalia ee Maxamed Cabdulhaai Farmaajo ayuu ku wehelinayay Ra’iisal Wasaaraha Somalia ee Xassan Cali Kheyre.

Xassan Cali Kheyre Ayaa ugu horayn Madaxda Maamul Goboleedyada Warbixin ka siiyay shirkii Dalka Jabuutu ku dhexmaray Somaliland & Dawlada Federaalka Somalia.

Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda Dowlada Federaalka Somalia iyo Maamul Goboleedyadu ku heshiiyeen shir kale oo la isugu iman doono kaas oo ka dhici doona magaadada Gaalkacyo iyada oo Galmudug iyo Puntland si wada jir ah u iman doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*