Sifooyinka Uu Nin Walba Jecelyahay In Uu Ka Helo Xaaskiisa Mustaqbalka.

Nin walba waxa uu leeyahay sifooyin gaar ah oo uu doonayo in uu ka helo gabadha uu mustaqbalka la wadaagayo inkasta oo ay Raggu ku kala duwanyihiin Sifooyinka ay jecelyihiin hadana waxa jirto sifooyin kulmiya oo uu Nin walba ka raadiyo Gabadha uu doonayo in uu guursado.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 8 Sifo oo uu Nin walba jecelyahay in uu ka helo gabadha noqon doonta xaaskiisa Mustaqbalka.

1.Gabadhnimo

In gabadha noqon doonta xaaskiisa mustaqbalka lahaato Gabadhnimo waa wax uu Nin walba doonayo mana jirto Khilaaf ay Raggu isku khilaafayaan arintaas sababta oo ah Gabadhnimadu waa arin aanu ka tanaasuli karin.

2.Gabadha Hadalka Dabacsan

Hadal dabacsanidu waa sifooyinka uu Nin walba ku jecelyahay gabadha noqon doonta xaaskiisa mustaqbalka sababta oo ah waxa uu doonayaa gabadh hadal dabacsan oo waliba kala qayb gasha kulana hadasha hadal jilicsan oo uu ku raaxaysto.

3.Gabadh Xishood leh:

Sifada xishoodka waa mid ay tahay in laga helo gabadh walba sababta oo ah Dhanka diinta Islaam-ka waxa fiican in ay gabadhu lahaato Xishood sidoo kale waa arin uu Nin walba jecelyahay in uu ka arko gabadha mustaqbalka la wadaagaysa waanaa mid muujinaysa gabadhninada Dumarka.

4.Gabadha Kaftanka Badan

Gabadha qosolka & Kaftanka badan waa gabadh uu Nin walba ku riyoodo sababata oo ah Nin walba uu jecelyahay Gabadha kaftanka badan taas oo mar walba qosol ku soo dhawaysa.

5.Gabadh RRunta Sheegta:

Sifada Runta ayaa ah sifo uu Nin walba jecelyahay in uu ka helo gabadha uu nolosha la wadaagayo waana sifo u fiican qof walba oo Aadame ah waana mid Ninka dareensiisa kalsooni iyo Amaan.

  1. Gabadh leh Qalbi Fiican & Daryeel:

Gabadha qalbiga fiican waliba daryeelka leh waa Riyad Nin walba uu jecelyahay waana sifo muhiim ah oo uu Nin walba ka raadiyo gabadha la wadaagaysa mustaqbalka.

7.Gabadh leh Qurxda gudaha & Dibada:

Quruxda Gudaha iyo Dibada waa sifo uu Ninku jecelyahay in uu ka helo gabadha uu mustaqbalka la wadaagayo sidaas darteed gabadha wada leh qurux dibadeed iyo Mid gude waa dumarka ay Ragu jecelyihiin.

  1. Gabadh Maskax & Miisaan leh:

Gabadha leh maskaxda & Waliba Miisaanka waa sifo kale oo uu Jecelyahay Ninku kana helo gabadha mustaqbalka uu la wadaagayo Gabadha caqliga badan waliba si dagan ku xalisa dhibaatooyinka waa mid ah riyada Nin walba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*