Somalia Oo Garab Istaagtay Itoobiya Muranka Wabiga Niil Ee Ka Dhexeeya Masar & Itoobiya.

Dowlada Somalia ayaa diiday In Ay Ogolaato Go’aa ka soo baxay Ururka Jaamacada Carabta Oo lagu taageerayay Dalka Masar oo uu muran adag kala dhexeeyo Wabiga Niil ee kala dhexeeya Dalka Itoobiya.

Go’aanka ayaa ahaa mid k baaqaya in dalka Ethiopia dib u dhito buuxinta biyo xidheenka ay ka smaysay wabiga Niil inta ay heshiis buuxa kala gaadhayso dalalka Masar iyo suudaan oo diidan arintaas.

Go’aabka Jaamacada carabta waxa soo gudbiyay Jaamacadda Carabta waxana Ansixiyay dhamaan wasiirada arimaha dibada Ururka marka laga reebo dalalka Somalia iyo jabuuti.

Dowlada Somlia ayaan shaacin sababta ay u diiday Go’aanka laakiin wasiirka Arimaha dibadda ee Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowlada Somalia dhex-dhexaad ka tahay muranka u dhexeeya labada dal ee Masar iyo Ethiopia.

Axmed Ciise Cawad ayaa dhanka kale dalalka isku Af-dhaaftsan wabiga niil ee Masar, Itoobiya iyo Sudan u sheegay in ay wadahadalo ku dhamaystiraan khilaafka.

Itoobiya ayaa sheegtay in ay bisha July bilaabi doonto buuxinta biyo xidheenka kaas oo ay ka dhistay meel u dhaw xuduudka ay la wadaagto dalka Suudaan.

Inkasta oo uuna wasirkada Somalia xaqiijin sababta uu ugu codayn waayay go’aankii ay Masar keentay Ururka jaamacada Carabta hadana waxa ay u muuqataa in ay Dowladiisu garab taagantahay dalka Itoobiya ee ay jaarka yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*