Somaliland Oo Ka Hadashay Warsaxaafadeedkii Ka Soo Baxay Wadahadaladii Somaliland & Somalia.

Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir oo warbaahinta kula hadlay Xarunta wasaarada Arimaha dibada Somaliland ayaa ka hadlay warsaxaafadeedkii laga soo saaray wadahadaladii Somaliland Iyo Somalia ku dhexmaray dalka Djibouti 14 bishan June.

Wasiirka ayaa faaf-faahin ka bixiyay qodobadii ay ku heshiiyeen somaliland iyo Somalia 4-tii maalin ee ay wadahadaladu uga socdeen dalka Djibouti.

“Shirka waxa ka soo baxay dhawr Arimood kadib markii aad loo dooday aadna wax la isku waydiiyay mida ugu muhiimsanayd ayaana ahayd in la abuuro kalsooni lagu wada hadali karo”.

“Waxa la isku afgartay iyada oo waliba dhinaha somaliland soo jeediyeen waxana ay ahayd in la Fuliye wixii ka soo baxay shirarkii hore waliba wadahadalada laga bilaabo halkii uu ku joogsaday maadama muddo dheer la kala mqnaa arimahana dib looga bilaabo halkii looga tagay”.

“3 Arimood ayaa ugu waaweyn arimaha la isku Afgartay oo kala ah in la qaybsado wixii caawimo caalami ah ama deeqo ah oo aan la siyaasadayn oo loo qaybsado sidii loo kala lahaa”.

“Qodobka kale ayaa ah in Hawada la wada maamulo oo ay labada dal wada maamulaan waliba la doorto maamul dhexe oo labada dalba heshiis ku yihiin una simanyihiin wixii ka soo baxana la qaybsadaan”.

“Qodobka 3-aad ayaa ahaa in Nabad galyada iyo xasiloonida laga wada shaqeeyo, wixii xad gudub ku ah labada dhinac, lana wada socdo la isla socodsiiyo waxa dhaca”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*