Somaliland Oo Ku Jees-Jeestay Somalia Kadib Markii Muqdisho Looga Dabaal Dagay Maalinta Xuska 26-ka June.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xassan Indho-indho oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku jees-jeesay Somalia kadib markii magaalada Muqdisho habeenimadii xalay ahayd looga dabaal dagay 26-ka June oo ah maalintii Somaliland xoriyada ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska.

Magaalooyinka Muqdisho & Hargiesa ayaa si isku mid ah oo isku wakhti ah looga dabaal dagay xuska maalina 26-ka June oo ah maalintii ay Somaliland xoriyada ka qaadatay Gumaystihii Ingriiska sanadkii 1960-kii.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ayaa Bogiisa Twitter-ka ku weeraray madaxda Somalia gaar ahaan kuwa maamula Muqdisho kadib markii Madaxtooyada Somalia looga dabaal dagay 26-ka June.

Halkan Hoose Kaga Bogo Qoraalka Xildhibaanku uu soo dhigay Bogiisa Twitter-ka:

2 Comments

  1. caadaqaate Indho Indho jaahilyohow !!! “kanna siib kanna saarato” sow ma ahayn calanka buluuga ah ee Qasriga Jamhuuriyada Soomaliya ee Muqdisho iyo Xadhunta Jimciyadda Quruumaha ee New York ka dul babanaya ma aha?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*