Somaliland Oo Maanta Looga Dareeray Imtixaanka Fasalka 4-aad Ee Dugsiyada Sare

Maanta oo ay taariikhu tahay 27 bisha June 2020 ahna maalin Sabti ah waxa Gobolada Somaliland looga fadhiistay Imtixaanka Fasalka 4-aad ee Dugsiyada Sare.

Arday Dhan 11 kun ayaa maanta u dareeray Imtixaanka Dugsiga sare iyada oo 6,168 yihiin Rag halka 4, 424 Dumar ah kuwaas oo Imtixaanka galaya.

Dalka oo dhan goobaha lagu galayo Imtixaanka ayaa ah 200 oo Goobood oo kala duwan iyada oo Amaanta Imtixaanka Sugayso ilaa kun Askri dalka oo dhan.

Ardayda ayaa si taxadar leh u galay Imtixaanka Iyada oo Wiilalka iyo Gabadhuhuba xidheen af xidhka iyo waliba sidoo kale xidhay Gacmo qaris.

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka ayaa sheegay in Ardaydu maanta gali doonto 10 maado Oo ah maadooyinkii ay soo dhigteen dugsiga sare intii ay ku jireen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*