Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Khalad Ku Jiray War-Murtiyeedkii Ka Soo Baxay Djibouti Ee Ku Saabsanaa Heshiisyadii Somaliland & Somalia Ku Gaadheen Halkaas

Somaliland ayaa sheegtay in ay qodob khaldan ku jiraan war-murtiyeedkii laga soo saaray wadahadalada Somaliland Iyo Somalia ee labada dhinac ku dhexmaray 14 bishan haatan lagu jiro.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in ay war-murtiyaadkaas ku jireen qodobo khaldan oo aan loo meel dayin.

Wasiirka ayaa sheegay in uuna qodobkaas ahayn ama ka mid ahayn qodobadii lagu heshiiyay intii uu socday wadahadaladii ay Somaliland la gashay Somalia shirkii ka dhacay Dalka Djibouti.

Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa qodobkaas ku sheegay wada-maamulka Hawada Somaliland kaas oo ka mid ahaa Qodobadii lagu baahiyay warmurtiyeedkii ay Djibouti soo saartay.

Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in uu qodobkaas yahay mid khalad ah oo ay sameeyeen dadkii daabacayay warmurtiyeedka ka hor inta aan la soo saarin.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dadkii daabacayay warmutiyeedka in ay raali galin ka bixiyeen khaladka dhacay waliba sheegeen in ay sixi doonaan arintaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*