Somaliland Oo Sharaxday Sababtii Ay U Xidhay Xafiiska Universal Ee Magaalada Hargiesa.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay sababtii ay U Xidheen xafiiska telefishinka Universal uu ku lahaa magaalada Hargiesa.

Dowlada Somaliland ayaa xidhay xafiiska uu telefishinka Universal ku leeyahay magaalada Hargiesa kadib markii uu Tv-gu diiday in uu baahiyo xuska maalinta 26-ka june ee ah maalinta xoriyada Somaliland ka qaadatay dalka Ingriiska.

Wasiirka Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Tv-ga Universal Waxa uu diiday in uu baahiyo Khudbada Madaxweynaha Somaliland oo dastuuri ah maalintii 26-ka June”.

“Waxa aanu waydiinay in uu si toos ah u baahiyo Laakiin si cad ayuu u diiday sababta aan haatan u xidhnay waa sidaas horayna waxa uu u galay dambiyo la mid ah oo aan digniino iyo wadahadalba ka samaynay”.

“Kadib markii uu diiday in uu si toos ah u baahiyo xuska 26-ka june anaguna waxa aan kala noqonay Ruqsadii uu uga shaqaysanayay Somaliland”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*